Waa maxay computer?Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.
Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu
dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro
warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha
casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada,
taleefoonka iwm.
Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas.
Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan
isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga ku amraynno
inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa
in aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta
hawlahaas.
Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.
Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.
Posted: Eng. Abdirahman Mohamud Ibrahim "Tooreeye"






0 comments:
Post a Comment