Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray
sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray
ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18,000
(Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto
kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn.
Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u
dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar
yar.Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba
weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha
yar ee jeebka lagu qaato (calculator).
Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari.Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo.
Sanadkaas
wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u
dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka
dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu
qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.
Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.
Posted: Abdirahman Mohamud Ibraahim "Tooreeye"






